Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka #DKGS Mudane Sa’id Ahmed Ali oo uu wehelinayo Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka ayaa qaabilay wafdi ka socday Hey’adda Caalamiga ah ee ICRC.
Soo dhaweyn ka dib Wasiirka ayaa ka dhageystay wafdiga warbixin ku saabsan howlaha samafal ee heyaddu ka wado Guud ahaan degmooyinka iyo deegaanada KGS, Gaar ahaan adeegyada la xariira Caafimaadka iyo daryeelka bulshada. Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray iskaashiga iyo xoojinta wada shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan horumarinta Caafimaadka Maxaabiista ku jirta xabsiyada KGS. […]

